Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Mudaaharaad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi oo billowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Caynaba (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in magaalo katirsan deegaanada Somaliland ay goordhoweyd ka bilowdeen mudaharaado balaadhan.

Magaalada Caynaba ee gobolka Sool, ayaa waxa ka bilowday mudaharaad balaadhan oo ay dhigayaan dadweynaha reer Caynaba, kuwaasi oo ka biyo-diidan xeer shalay ay ansixiyeen golaha Wakiilada Somaliland.

Golaha Wakiilada ayaa shalay meel-mariyey darajooyin cusub oo loo sameeyey gobolada iyo degmooyinka Somaliland, isla markaana magaalada Caynaba lagu siiyay darajada “C”, taasi oo ay ka biyo diiden dadweynaha reer Caynaba.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in dadweynahan ay taayiro ku gubeen wadooyin muhiim ah oo ku yaala badhtanka magaalada, iyagoona ku dhawaaqayey ereyo ka dhana Xukuumada Biixi, oo ay sheegen inay uga baxday balan-qaad ay hore ugu sameeyen degmadooda.

Banaanbaxan ayaa waxa si weyn looga dareemaya guud ahaanba magaalada Caynaba, isagoona gebi ahaanba hakad galiyey isku socodkii magaalada.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this