Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh C/qaadir Muumin oo soo duubay muuqaal uu ku galay ballan cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa soo duubay muuqaal cusub kadib muddo aan warkiisa la maqal.

Muuqaalkan cusub oo soconaya muddo 4:45 daqiiqo ayaa Sheekh Cabdulqaadir waxa uu dib ugu soo cusbooneysiiyey ballantii uu daacadda ugu ahaa hoggaamiyaha guud ee kooxda Daacish Abuu Bakar Al-Baghdadi.

Sheekh Cabdulqaadir oo la rumeysan yahay inuu ku jiro da’da toddobaatameeyada ayaa waxaa muuqaalka kula jira dagaal-yahanno ka tirsan kooxdiida Daacish ee Soomaaliya oo gaaraya illaa iyo 15.

Muuqaalka cusub oo aan la ogeyn halka lagu duubay ayaa imanaya ayada oo la rumeysan yahay in xaaladda caafimaad ee Muumin aysan wanaagsaneyn, inkasta oo aan xog rasmi ah laga hayn xanuunka haya.

Awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dhowaanahan sii wiiqmeysay ayada oo mintidiintan ay wajaheen dagaallo kaga imanaya kooxda Al-Shabaab, ciidamada Puntland, duqeymaha Mareykanka iyo dhaqaale xumo baahsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this