Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo kulan la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur  Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shalay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qatar, Xasan Binu Xamza.

Wafdiga ka socday Qatar waxay booqasho ku mareen goobo badan oo ka mid ah Magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah Iskuul, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.

Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qatar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1563689784624.jpgFB_IMG_1563689786878.jpgFB_IMG_1563689789324.jpgFB_IMG_1563689843186-1.jpgFB_IMG_1563689845743.jpgFB_IMG_1563689848274.jpgFB_IMG_1563689850310.jpgFB_IMG_1563689852268.jpgFB_IMG_1563689854680.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this