Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo qaaday tallaabo niya jab ku sii riday shacabka magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin kale oo lagu xirayo wadooyinka Muqdisho, taas oo niya jab ku sii riday shacabka ku dhaqan Caasimada oo sugayay in laga qaado culeyska iyo xayiraada saaran.

Hay’adaha amamaanka Soomaaliya ayaa xalay xiray waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sida ay u sheegeen Caasimada Online ilo deegaanka ah waxaa dhagxaan waa weyn lagu jaray agagaarka xarunta Ciidanka Asluubta oo ku taalla duleedka Muqdisho, halkaas oo ay ku kala wareegi doonaan gaadiidka ka yimaada dhinaca gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale laamaha amniga ayaa jaray dhammaan jidcadayaasha xaafadaha ku dhow isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Xirnaashahan cusub ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala gooshi jiray waddadaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli madaxda dolwadda, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya uu horay Odayaasha Muqdisho uga ballan qaaday in la furayo waddooyinka marka laga baxo maalmaha Xorriyada ee 26-ka June iyo kowda Luulyo, balse ma dhicin midaasi, iyadoona taasi bedalkeed la sii adkeeyey go’doonka ay ku jirto Caasimada.

Qaar ka mid ah Odayaasha oo aan horay ula hadalnay ayaa xusay in ballantii looga baxay, islamarkaana ay iyagu go’aan deg deg ah ka qaadan doonaan jidadka weli sii xiran.

Dhinaca kale saraakiil aan la xariirnay ayaa tallaabadani ku sheegay in lagu xoojinayo amniga, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Hayeeshee waxaa weli Muqdisho ka dhacaya qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoona dadka falanqeeya arrimaha amniga ay sheegayaan in dhagax ama waddo la xiro lagu sugi karin amni ee loo baahan yahay qorshe kale.

Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this