Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war ka soo saaray dil iyo qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil sarakaal ka tirsanaa ciidamada dowladda xakay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay  kudileen nawaaxiga isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in raggii geystay dilkaasi ay horay uga sii qaateen Marxuumka Bistoolad uu watay, islamarkaana ay si nabad galyo ah goobta uga baxsadeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay qarax ka dhacay qeybo ka mid waddada Warshadaha, sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi oo Miino ahaa ay la beegsadeen gaari Tikninka oo marayay agagaarka xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdooyinkaasi.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah nabad galyada, sida qaxyo iyo dilal qorsheysan inataba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this