Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo saaka ka socda Garbahaarey + Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka howlgallo ballaaran ay ka socdaan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.

Ku simaha guddoomiyaha Garbahaarey, ahna Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Aadan Siraad oo u warramay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaanadaasi.

Siraad ayaa sheegay in u jeedka howlgalladu ay yihiin, sidii looga hortagi lahaa weerarada ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan guud ahaan gobolka Gedo.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-garbaharey-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this