Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: CID oo madax furasho ka qaadata qaar kamid ah dadka ugu xiran Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 500 oo qof ayaa ku jira Xabsi weyn oo ku yaala xarunta Dembi Baarista Booliiska Soomaaliya ee CID, kuwaas oo qaarkood muddo fog ku jira Xabsiyada CID.

Dadkaan ayaa u badan dhalinyaro laga soo qabtay xaafadaha magaalada Muqdisho markii ay howlgalada ka sameeyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxaana qaar kamid ah ay xiran muddo ku dhow sanad.

Ma jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyay qaar kamid ah dhalinyaraan tan iyo markii halkaan la keenay halka qaarkoodna la baaray dembiyana lagu waayay balse lagu celiyay xabsigii ay ku jireen.

Caasimada Online ayaa ogaatay in CID ay dadkaan ka dooneyso lacag u dhaxeysa 3,000$ 10,000$ oo dollar. Dhowr qof oo ka tirsaneed dadkaan ayaa lagu sii daayay lacagta aan kor ku soo xusnay sida ay noo sheegayn dadkii la xirnaa iyop qaar ka mid ah ehellada.

Haweenay wiilkeeda uu kamid yahay dadka xiran ayaa Caasimada Online u sheegtay in la weydiistay lacag dhan 4,200$ oo dollar si loogu sii daayo wiilkeeda oo ah Arday dhigta mid kamid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in hore sidaan oo kale dad badan laga qaatay lacago madax furasho ah oo kumanaan dollar ah islamarkaana laga sii daayay xabsigii ay ku jireen ee CID-da.

Arintaan ayaa halis waxay ku tahay amaanka qaranka. Sidoo kale CID waxaa dhib badan ku qaba qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed oo Carruurtooda oo aan dembi ah gelin isaga jira Xabsiyada hey’adda.

Booliiska Soomaaliya oo sameeya Baaritaano todobaadkiiba ugu yaraan 2 jeer ayaa hey’adda u gacan geliya tobaneeyo dhalinyaro ah oo guryahooda laga soo qabtay kuwaas oo ay waqti badan ku qaadato in ay ka dhamadaan xarunta CID, halka qaarkoodna iyagoo aan dembi gelin la isaga heesta Xabsiga markii ay bixin waayaan lacagaha laga rabo ee Madax furashada ah.

Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this