Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer Ilaaliyaha Puntland oo sheegay in Deni iyo Farmaajo toona aysan sii dayn karin dadka u xiran Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   
vlcsnap-error145.png?w=1000&ssl=1Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan

Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalbaday in la sii daayo eedaysanayaal u xiran Garsoorka Puntland.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku jira xabsiyada magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, aysan ku xirneyn amar madaxweyne iyo mid mas’uul kale toona, balse ay u xiran yihiin laamaha Garsoorka Puntland, islamarkaana la marin doono hannaanka sharcig ah, haddii wax lagu helo iyo haddii kaleba.

Aw-cismaan ayaa sheegay in Puntland ay leedahay nidaam sharci iyo hay’ado Garsoor oo qaabilsan go’aan ka gaarista dadka ku eedaysan in ay sharciga ku xad-gudbeen, balse aysan jirin cid kale oo sii dayn karta dadka Garsoorka u xiran.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in laamaha Garsoorka oo keliyah ay awood u leeyihiin, go’aan ka gaarista cid kasta oo ku eedaysan in ay xad-gudub ku samaysay nidaamka iyo sharciga u yaalla dowladda Puntland, isagoo xusay in aanu jirin mas’uul kale oo fara-gelin ku samayn kara arrimaha Garsoorka.

Hadalka Xeer Ilaaliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo eedaysanayaal ku xiran magaalada Boosaaso oo lagu soo qabtay waaran-maxkamadeed.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Xeer Ilaaliyaha

PUNTLAND POST

The post Xeer Ilaaliyaha Puntland oo sheegay in Deni iyo Farmaajo toona aysan sii dayn karin dadka u xiran Garsoorka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this