Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba arrin oo la gudboon ODAYAASHA looga yeeray xarumaha AL-SHABAAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa soo xulay ergadii dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali ka walaacsan go’aankii ay ka qaadan lahaayeen baaqa iyo hanabaadda Al-shabaab.

Odayaashaan oo ka wacan Xarumaha Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka ayay Al-Shabaab sheegeen in Towxiidka loo qaban odayaasha sida ay sheegeen Al-Shabaab iyo sidoo kale in lasiin doono digniin iyo go’aano ku saabsan mustaqbalkooda.

Qubarada amniga iyo dadka waxgaradka ah ayaa odayaasha dhaqanka usoo jeediyay in ay qaataan mid kamid ah laba talo oo muhiim ah kuna saabsan xaaladda ay wajahayaan.

  1. In odayaasha dhaqanka ay ka baxaan degaanada ay u arkaan in aysan ku badbaadeyn oo aadaan aag nabdoon islamarkaana ay xaaladooda ku wargeliyeen laamaha amaanka iyo dowladda Soomaaliya. Qofkii ka bixi kara dalka waa mid wanaagsan si loo badbaadiyo naftooda.
  2. In qofkii aan ka bixi karin dalka uu qaato hub sharciyeeysan, ugu yaraan Bastoolad islamarkaana ay dagaan aagga ay ku yar yihiin Al-shabaab sida Guryaha siyaasiinta iyo masuuliyiinta ay soo doorteen ama meelaha ka agdhow. Sidoo kale waxaa la gudboon in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadaan Ciidamo ilaaliya oo mushaarkooda laga bixiyo Qasnadda Dowladda.

In dhaqanka ay u tagaan Al-Shabaab islamarkaana iyagoo ah Muslim loo qabto Towxiidka waxay noqoneysaa dambi wayn oo ay odayaasha Soomaaliyeed galayaan. Sidoo kale odayaasha ma ahan dad u qalma in ay Al-Shabaab fuliyaan amaradooda oo ah dil, is qarxin iyo gaaleysan.

Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay in odayaasha dhaqanka ay ugu yaraan 2 qodob oo kala ah:-

  1. In ay uga digaan ka qayb qaadashada geedi socodka doorashada Soomaaliya, Islamarkaana ay ka towba keenaan waxyaabihii ay sameeyeen oo ahdhismaha Dowladnimada.
  2. Ama in ay soo doortaan Xubno siyaasiin ah oo Al-Shabaab looga shakineyn kuwaas oo u tartami doona Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xafiisyada kale ee Dowladda.

Al-Shabaab oo halista ugu wayn Soomaaliya ayaa la sheegaa in Shaqaalaha Dowladda iyo masuuliyiinta sar sare ee dalka ay ku leeyihiin xubno muhiim ah oo xilal sara haaya kuwaas oo kamid ah Sirdoonka Al-Shabaab.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this