Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madobe oo qaaday tallaabooyin ka dhan ah ciidamada DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam “Axmed Madoobe” ayaa qaaday tallaabooyin dhowr oo ka dhan ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil.

Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas oo ah afhayeenkii hore ee ciidamada xooga dalka ee Jubbooyinka ayaa si kulul ugu hadlay dhaqdhaqaaqyada iyo ficilada uu Axmed Madoobe ka wado deegaanadda Jubland, xilli loo sii dhawaanayo waqtiga loo asteeyey doorashada xilka madaxtinimo ee Jubaland.

Korneylka oo warysi siiyey idaacadda Simba, ayaa sheegay in hore magaalada Kismaayo looga soo celiyey sarkaakiil ay dirtay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya loona diiday inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo.

Korneylka ayaa caburiska lagu haayo ciidamadaas ku eedeeyey xubno uu magacaabay oo uu sheegay inay qaraabo la yihiin Axmed Madoobe.

Dhanka kale Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas ayaa madaxda dowladd gobeedka Jubaland ku eedeeyey naceyb ka dhan ah calanka Soomaaliya isagoo sheegay in calanka Soomaaliya dartiis loo dilay dad muwaadiniin ah islamarkaana calanka Soomaaliya lagu gubay magaalada Kismaayo seddex jeer.

Korneylka ayaa taa beddelkeed xusay in calanka Kenya uu si nabad gelyo ah kaga babado, magaalada waxa uuna taas ku micneeyey in deegaanada Jubaland looga arrimiyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aanan laga maamulin magaalada Kismaayo oo si ku meel gaar ah magaalo madax ugu ah Jubaland.

Mar uu ka hadlayey dowrka ay dowladda federalka ah ku leedahay Jubaland ayuu sheegay korneylku in dowladda looga baahan yahay inay deegaanada Jubaland ka xoreyso Axmed Madoobe iyo raga ku heybta ah.

Isagoo hadalkiisa wata ayuu sheegay in shacabku uu markii hore ku kalsoona dowladda Farmaajo balse hadda ay muuqato daldaloolo badan oo muujinayo in deegaanada Jubaland waxa ka socdo aysan waxba ka qaban karin.

Doorashada Jubaland oo ay ku tartamayaam musharixiin dhowr ah oo uu ku jiro Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo shalay is diiwan geliyey ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo aadan ee August.

Hoos ka dhageyso korneyl Cabdirashiid Gaas

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Gaas.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this