Sign in to follow this  
Deeq A.

Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo yaal Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas yaalo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey.

Baabuurka oo looga shakisan yahay in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa wuxuu yaalaa Isgoyska Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska ayaa dadweynaha dagan meesha uu yaalo gaariga ugu baaqay inay si deg deg ah uga baxaan meesha.

Baabuurka ayaa yaalo meel aan sidaas uga fogeyn halkii uu dhawaan ku qarxay gaarigii ay Ciidamada Booliska ku qabteen isla isgoyskaas kadib markii uu darawalka damcay inuu ka bootiyo carro ay ciidamada Dowladda ku jareen jidadka.

Ciidamada Booliska ayaa xiray Isgoyska Digfeer iyo agagaarkiisa, waxayn shacabka ugu baaqeyn inay halkaas isaga fogaadaan.

Dadweyne farabadan ayaa isaga qaxay xaafadaha u dhow meesha uu gaarigaan yaalo, maadaama dadkaas aysan weli iloobin dhibaatadii kasoo gaartay qaraxii dhawaan halkaas ku qarxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this