Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Farmaajo oo war ka soo saaray ujeedka wafdiga Thabo Mbeki ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.

Sida ay sheegtay Villa Somalia, ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

105A9804.jpg 105A9622.jpg 105A9804-1.jpg 105A9784.jpg 105A9613.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this