Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynah Puntland oo kormeeray taliska guud ee Booliiska Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxayidiin Axmed Aw-muuse iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada booliska Puntland ayaa kormeeray Xarunta Taliska Ciidamada Booliska. Wuxuu Salaan sharaf ka qaatay Madaxweynuhu cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, kadibna wuxuu kormeeray Qeybta Booliska ee degmada Garoowe oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha howsha baaxada leh ee ay u hayaan Bulshada, Madaxweyne Deni ayaa kala hadlay Saraakiisha dardar-gelinta shaqada ciidanka booliska, Barnaamijka tayeynta Ciidanka oo hada qeybo ka mid ah Tababaro u socdaan iyo diyaargarowga munaasabada 1-August.

Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada

  • 1-44.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-40.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-38.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-35.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-34.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-17.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynah Puntland oo kormeeray taliska guud ee Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this