Deeq A. Posted July 20, 2019 Garbahaarey (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic maanta laga maqlay magaaladda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Aadan Siraad, gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha, ayaa hoobiyeyaashaasi ku eedeeyay Al-Shabaab. Mr Siraad oo shaaca ka qaaday in guriga ay ku dhaceen madaafiicdaasi oo ku yaala duleedka magaaladda ay deganaayeen dad shacab ah. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in dadka wax ku noqday oo gaaraya saddex ruux ay gebigooda yihiin rayid. Ma uusan kala caddeyn hadii rayidka wax ku noqday ay ku jiraan caruur goobta ay wax ka dhaceen ka akdhoweyd. Dhinaca kale, Al-Shabaab illaa iyo haatan kama aysan jawaabin eedeynta uga yimid mas’uuliyiinta gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites