Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigay ciidamo isu dhiibay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelbuur (Caasimada Online) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta askar ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada dowlad goboleedka HirShabelle waxa ay ku soo bandhigeen gudaha degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Askartan oo tiradoodu gaareyso illaa afar ayaa lagu soo bandhigay xarunta maxkamadda Al-Shabaab ee degmadaasi.

Ciidamada ayaa xirnaa dharka tuutaha ee Milatariga Soomaaliya, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al-Shabaab ayaa tilmaamay in askartaasi ay ka soo goosteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in ay la soo baxsadeen hubkooda, islamarkaana ay ka barbar dagaalami jireen ciidamada Itoobiya, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan askartaasi.

Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay ka arrimiyaan ku soo bandhigay askar ay sheegeen inay u soo goosteen dhankooda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada

dhiibid2.jpgAskar-1.jpgdhiibid1.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this