Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo qaatay shahaadada Musharraxnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta isdiiwaan geliyey, isagoona qaatay Shahaadada Musharraxnimada Madaxweynaha maamulkaasi.

Axmed Madoobe oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inuu maray hannaanka sharciga ah ee doorashada Jubbaland.

Wuxuu ka dalbaday Musharraxiinta inay maraan waddadaasi, islamarkaana ay joojiyaan eedeynta iyo hadallada fowdada abuurayo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in isaga iyo Musharraxiinta kale ay u siman yihiin guddiga doorashada, loona baahan yahay inay is dajiyaan.

Isdiiwaangelina doorashada Jubbaland ayaa maanta oo Sabti ah ku ah eg, sida ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada , hayeeshii waxaan weli is diiwaan gelinin inta badan Musharraxiinta u taagan hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Arrintan ayaa loo sababeynayaa kalsooni la’aan ay Musharraxiinta ku qabaan xubnaha guddiga qaban qabaabada doorashada, kuwaas oo ku eedeeyey inay u adeegayaan kaliya Madaxweynaha hadda talada haya ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan, balse waxaa jira loolan adag iyo cadaadis uga imaanaya dhinaca dowladda Soomaaliya.

Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socoto ee Augusto, iyadoo qaban qaabadeeda laga dareemayo M/ Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

2-107 1-116 3-99 4-89

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this