Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo ka dooday sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ka dooday  Ajendaha shirkooda oo ahaa  Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).

Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad  ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator;  Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka,  Senator Axmed Macalim Cumar Axmed (Nadiir) ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray  hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator, Dr;  Osman Mohamud Dufle oo  xubin ka ah Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arrimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax kabadalka lagu sameeyay

Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Senatar ,ayadoo ay xildhibaannada Aqalka sare qaarkood soo jeediyeen talooyinkooda ku aaddan hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka (GMCQ)”, waxaana muddo aan la cayimin loo ballamay ka doodista hindise sharciyeedkan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1563614800069-1.jpgFB_IMG_1563614802865.jpgFB_IMG_1563614806909.jpgFB_IMG_1563614811119.jpgFB_IMG_1563614814322.jpgFB_IMG_1563614818043.jpgFB_IMG_1563614821281.jpgFB_IMG_1563614825029.jpgFB_IMG_1563614829032.jpgFB_IMG_1563614831549.jpgFB_IMG_1563614834300.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this