Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo qabtay sarkaal ka tirsan Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)  Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa ku warramaya in dagaal kooban oo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Milatariga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaanka Owdiinle oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac ayaa ka dhacay halkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Owdiinle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa saddex ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay gacanka ku soo dhigeen xubin kale oo muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this