Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo isbedal ku sameeyey hoggaanka AFRICOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Mareykanka ayaa isebdal ku sameysay hoggaanka howlgalkeeda Africa ee loo yaqaano AFRICOM.

War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliyaha cusub ee hoggaankaasi loo magacaabay Stephen Townsend.

Taliyahan ayaa bedalaya Thomas Waldhauser oo la sheegay inuu howlgab noqday, islamarkaana uu gabi ahaan ka fariisinayo shaqada

Thomas Waldhauser ayaa muddo dheer soo hayey xilkan, wuxuuna horay uga soo shaqeeyay qeybo kala duwan, isaga oo ciidanka ku jiray 48 sano.

Sidoo kale Stephen Townsend ayaa noqonaya taliyihii shanaad ee soo mara howlgalka Maryenka ee Africa.

Townsend ayaa hadda laga soo wareejiyey dhinaca tababarada ciidamada Mareykanka, isaga oo tan March 2018-kii ahaa madax tababarada.

Warkan ayaa lagu shaaciyey in munaasabadda xil wareejinta ay dhaci doonto 26 bishan, islamarkaana lagu qaban doono dalka Jarmalka.

AFRICOM ayaa dusha kala socota howlgallada Mareykanka uu ka fuliyo dalalka qaaradda Africa.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu Mareykanka ka fuliyo howlgallada dhanka cirka ah,  kaas oo weeraro la beegsada Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka joogo ciidamo ka badan 500 oo Askari, kuwaas oo taageero ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this