Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay G/ Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ka sameeyeen deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in howlgalkani lagu dilay saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu soo qabtay mid kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku sugnaayeen goob ay weerar ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this