Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in la musuq maasuqay lacagtii loo uruuriyay garoonka kubadda Cagta Mire Awaare?

Recommended Posts

Deeq A.   
Garoonka.jpg?w=1000&ssl=1Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare jaamac

Guddiga Dib-u-habaynta iyo Qurxinta garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee caasimadda Garoowe, ayaa shaaciyay in ay heshiis la galeen shirkadda TTN ee waddanka Turkiga, si ay cagaaarin iyo qurxin ugu samayso garoonka.

Qoraal xalay lagu daabacay bogga uu guddiga ku leeyahay Facebook-ga, ayey ku sheegeen in ay todobaadkii hore heshiis rasmiya la saxiixdeen, shirkadda TTN ee waddanka Turkiga, si ay cagaarin iyo casriyayn ugu samayso garoonka kubadda cagta Mire Awaare.

Shirkad TTN oo ah Shirkadda Turki ah iyo Guddiga Garoonka Mire-Awaare ayaa Todobaadkii Lasoo Dhaafay Kala-Saxiixday Heshiis Rasmi ah, Kaaso oo Shirkadu TTN Ku Cagaarin-doonto Garoonka Mire-Awaare, Islamarkaasna Rooga Ladhigayo Garoonka ayaa ah mid Laga Fakaray oo ah Roog Casri ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in shirkadda TTN ay durba dalka Turkiga ka dalbatay, rooggii cagaarnaa iyo qalabkii kale ee lagu samayn lahaa roog-dhigidda, qurxinta iyo casriyaynta garoonka.

Masuuliyiinta Shirkadda ayaa Durbadiiba Dalbay Roogii iyo Qalab-Kale oo Loogu talagalay Cagaarinta Garoomada Casriga ah” ayaa la sii raaciyay qoraalka guddiga.

Shirkadda TTN ee dalka Turkiga, ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan iyo laamiga wasaaradaha u baxa, waxaana ay haatan gacanta ku haysa waddooyin laamiya oo laga hirgelin doono caasimadda Garoowe.

Dhinaca kale, guddiga ayaa xaqiijiyay in lacag dhan $200,000 Dollar oo loo uruuriyay qurxinta garoonka Mire Awaare iyo qalab dheeriya oo ay bixisay hay’adda World-Vision, ay ku jiraan gacanta guddiga,si loogu qabto hawlaha roog-dhigidda iyo qurxinta garoonka.

Waxaa kale oo guddiga Dib-u-habaynta iyo Qurxinta garoonka Mire Awaare ay beeniyeen, warar baraha bulshada lagu arkay, oo sheegaya in guddigu ay musuq maasuq iyo is-daba-marin ku sameeyeen lacagtii loo uruuriyay garoonka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Maxaa ka jira in la musuq maasuqay lacagtii loo uruuriyay garoonka kubadda Cagta Mire Awaare? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this