Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ciidamo ku daabulaya gudaha waddanka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda Difaaca waddankaasi in boqor salmaan uu ogolaaday in ciidamada Maraykanku ay dib uga hawlgalaan gudaha boqortooyada 16 sannadood kadib markii ay ka baxeen.

Qorshaha ciidamada Maraykanka dib loogu celinayo gudaha waddanka Sacuudiga ayaa looga golleeyahay difaaca nabadda iyo xasiloonida gobolka xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhexaysa jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan iyo Maraykanka oo ay weheliyaan xulafadiisa Sacuudiga iyo wadamada kale ee Khaliijka.

Sidoo kale bayaan ka soo baxay taliska guud ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in cutubyo ka tirsan ciidamada Maraykanka loo daabulayo gudaha waddanka Sacuudiga si ay u ilaaliyaan danaha Maraykanka ee gobolka iyo difaaca xulafadooda.

Ciidamada Maraykanka ayaa horay waddanka Sacuudiga ka baxay 26 Agoosto 2003 waxaana sida la sheegayo tallaabadan cusub soo dedejiyay xiisadda sii kululaanaysa ee ka dhex taagan jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan iyo Xulafada Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ciidamo ku daabulaya gudaha waddanka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this