Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi oo ka horyimid DF lana saftay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay dowladda federaalka, iyaga oo teegeero u muujiyey maamulka Somaliland.

Xildhibaanadan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay cunaqabateyn saartay Somaliland.

Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah xildhibaanadaasi ayaa ka hadlay Markab Xoolo siday oo ka shiraacday Dekedda magaalada Berbera, kaas oo dhawaan dowladda Sucuudi Carabiya ku xayirtay magaalada Jiddah.

Wuxuu sheegay in Markabkaas aan lagu sii daayin amar ka soo baxay dowladda Federaalka ah, balse dowladdu ay tahay waxa cunaqabateynta saaray Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa ka horyimid guddiga uu dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in aan lagala tashan ku dhawaaqista guddigaasi, madaama ay iyagu matalaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee uu dhexeysa Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo ka sii dartay markii dowladda federaalka ay gabi ahaan xiriirkii u jartay dalka Guinea.

Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this