Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi: Madaxweyne farmaajo wuxuu Somaliland ku hayaa cadaawad aan hore loo arag oo dhinac walba ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in guddiga uu wada-hadallada u magacaabay madaxweyne Farmaajo aysan khusayn arrimaha Somaliland maadaama loo soo wakiishay in ay dhammeeyaan tabashooyin jira iyo in ay dib u-heshiisiin sameeyan.

Mudane Biixi wuxuu sheegay in Somaliland aysan tabashooyin iyo dib u-heshiisiin midna kala hadli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse ay ka go’antahay Qaddiyadda goonni-isu-taagga iyo madax-bannaanideeda sidaasi darteedna aysan jirin wax ay guddiga la soo magacaabay kala hadlaan.

Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay madaxweyne Farmaajo kala kulantay cadaawad iyo necayb daran oo dhinac walb ah kaaasi oo aysan hore uga arag madaxweynayaashii ka horreeyay ee Soomaaliya soo maray mudadii burburka kadib.

waxaa kale oo uu beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii daysay markabkii xoolaha Somaliland siday ee lagu xannibay dekedda magaalada Jidda ee waddanka Sacuudiga kaasi oo markii dambe la sii daayay.

Hadalkan ayuu ka sheegay kulan casho-sharaf ah oo uu xalay la qaatay safiirro diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno ka socda dalalka caalamka kuwaas oo Hargeysa u jooga ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo saaka halkaasi ka furmaysa.

Halkaan ka daawo hadalka madaxweyne Biixi

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi: Madaxweyne farmaajo wuxuu Somaliland ku hayaa cadaawad aan hore loo arag oo dhinac walba ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this