Sign in to follow this  
Deeq A.

Washington Post oo qoray sababta Imaaraadka Carabta uga goosanayo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Faallo qoraha sare ee wargeyska Washington Post, David Ignatius ayaa sheegay in daaraha dhaa-dheer ee Imaaraadka Carabta ay ku baabi’i doonaan dagaal kasta oo Iran lagu qaado.

Dubai iyo Abu Dhabi waxay noqon doonaan bartilmamaeedka koowaad ee dagaal kasta oo dhex-mara Iran iyo Mareykanka. Tani waxaa garowsaday hoggaamiyayaasha Imaaraadka Carabta oo dhowaan go’aansaday inay ka goostaan Sacuudiga, islamarkaana inta badan ciidamadooda kala baxaan dagaalka Yemen.

“Sabtidii tagtay Iran waxay Marinka Hormuz ku qabsatay Markab yar oo saliida qaada, hase yeeshee wax fal-celin ballaaran ah lagama sameyn. Halka Imaaraadka ay ka aamuseen, Mareykanka ayaa sidoo kale si kooban uga hadlay” ayuu ku yiri David Ignatius faalladii uu ku qoray Washington Post.

Imaaraada Carabta, ayuu ku yiri qoraalka, waxay ogyihiin in daaraha dhaadheer ee quruxda badan ay noqon doonaan bartilmaameedyada gantaallaha Iran, kuwaas oo bilicda Dubai iyo Abu Dhabi u rogi doonaan dambas.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa hadda isku dayaya in la xakameeyo xiisadda Iran, taasi oo qeyb ka ah in ciidamadooda kala baxaan Yemen kadib dagaal burbur badan oo qaatay afar sano oo lala galay maleeshiyada Iran ay taageerto ee Xuutiyiinta.

Ka-bixitaanka ciidamada Imaaraadka Carabta ee Yemen ayaa sidoo kale tusmeyneysa in isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka uu burburayo, taasi oo macanheedu yahay in maskaxdii dagaalka Yemen oo ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salamn uu hadda kali ku yahay mashaqada Yemen.

Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this