Sign in to follow this  
Deeq A.

4 calaamad oo muujinaya in Shabaab ay DF uga awood badan yihiin Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Markii aad eegto xaaladda Soomaaliya islamarkaana aad si dhab ah ugu kuur gasho waxaa kuu muuqanaysa in Al-Shabaab ay awoodda wayn ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya halisna ay ku yihiin nolasha dad badan oo maras ah.

Dad badan ayaa aaminsan in 4 sababood ay marqaati u yihiin in Al-Shabaab ay kaga awood badanyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya gobalada Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Calamdaahaas hoos u dhigaya awoodda Dowladda, islamarkaana muujnaya midda Al-Shabaab ayaa kala ah.

  1. Al-Shabaab waxay canshuur bilo iyo sanadle ah ka qaadaan inta badan ganacsiga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobalada kale Koomfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, mana jirto cid diida amarkooda.
  2. Garsoorka ugu way n ee maanta ka shaqeeya Soomaaliya, waa maxkamadaha Al-Shabaab waxaana gar bax u taga Ganacsato, Ciidan iyo Shaqaale Dowladeed, iyo qaybaha kale ee Bulshada. Al-Shabaab waxay go’aano ka gaaraan hanti ma guurta ah oo ay xalin waysay Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale garsoorka Al-Shabaab ayaa looga kalsooni badan yahay kan dowladda, maadaama aysan lacag iyo musuq-maasuq ku lug lahayn
  3. Al-Shabaab waxay maamushaan oo ay u taliyaan dadka ku hoos nool dowladda Soomaaliya iyo kuwa soo dhisay oo aan heysan difaac dowladeed iyo amni midna. Go’aankii ugu dambeeyay ay qaateen waxa uu ahaa, in Odayaasha dhaqanka ee soo dhisay dowladda Soomaaliya looga yeeray xarumaha Al-Shabaab walina aysan ka hadli dowladda Soomaaliya.
  4. Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu wayn oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya waxaa weerar ku ah Al-Shabaab oo aan magaalada Saldhigyo ku laheyn halka ay Dowladda tahay difaac. Wadooyinka Muqdisho iyo go’doonka gobalka ka jira waxaa sababay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab halkii ay aheyd iyaga lagu go’doomiyo Jubada dhexe iyo degaanada kale ay joogaan, oo lagu weeraro, balse taa beddelkeed dowladdii ayaa jidadka dhagaxaan kaga goosatay Shabaabka qaraxyada kasoo gelinay gobollada Shabeellooyinka oo ay ahayd in kagu ugaarsado.

Qodobadaan iyo kuwa kale ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay wali muuqato saameentooda awoodda ah islamarkaana ay ku qariyeen Awoodda Dowladda Soomaaliya.

2019, waxay umadda Soomaaliyeed rajo ka qabtay in la weyn doono goob lagu yaqaano Al-Shabaab, hase yeeshee waxay wali maamulaan gobolo iyo magaalooyin waa wayn waxaana laga celin la’yahay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo hal sano u qabsaday Shabaab, waxaa uu sii dhex socdaa kii saddexaad.

Arrinta murugada leh ayaa ah inta Shabaab gacansiga ka qaadayaan lacag oo dhaqaale uu soo galayo, dadka qaarna nidaamkooda cadaaladda kaga kalsoon yihiin kan dowladda, waa ay adkaan doontaa in la ciribtiro.

Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah

W/Q: Axmed Nuur Muudey
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this