Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Netanyahu oo go’aan ka gaaraya Ilhaan Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa go’aan ka gaaraya qorshe ay Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ku dooneyso inay bisha soo socoto ku booqato Daanta Galbeed, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Israel.

Ilhaan ayaa waxaa sidoo kale socdaalkan ku weliya Rashida Tlaib oo Iyana ka tirsan Aqalka Wakiilada. Rashida ayaa asal ahaan kasoo jeedda Falastiin, hase yeeshee waxay ku dhalatay Mareykanka.

Israel ayaa meel-merisay sharci u diidaya inay Daanta Galbeed soo galaan dadka taageera dhaqaaqa loo yaqaan BDS oo ah mid lagu qaadacayo Israel inta ay ka ogolaaneyso xeerarka caalamiga ah, ayna ka baxeyso dhulalka ay ka haysato Falastiiniyiinta.

Netanyahi ayaa sharciga u adeegsan kara inuu Ilhaan iyo Rashida u diido inay soo galaan Daanta Galbeed. Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa loo gol yahay inay mararka qaar hareer marto sharciga, haddii diidmada qofka loo arko inay dhaawici karto xiriirka arrimaha dibedda, sida uu weriyey wargeyska Haaretz.

Sida uu leeyahay wargeyska, Netanyahu ayaa hadda looga fadhiyaa inuu shaaciyo go’aankaas ku aadan Ilhaan iyo Rashida, oo doodo badan ka dhaliyey Mareykanka, ayaga oo u doodiddooda xuquuqda Falastiiniyiinta loo rogay inay naceyb u qabaan Yahuudda.

Ilhaan Cumar ayaa Arbacadii u sheegtay wargeyska Jewish Insider in iyada iyo Rashid ay qorheynayaan inay gobolka booqdaan toddobaadyada soo socda.

Labadooda ayaa dhowaan waxay diyaariyeen sharci xaq u siinaya dadka Mareykanka inay qaadici karaa Israel oo ay taageeri karaan BDS, inkasta oo ay u badan tahay inuusan ka anisixin Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this