Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmooyinka Muqdisho oo laga qorayo dad u codeeya madaxweyne FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka billaabatay diiwaan gelinta dad la soo xulay kuwaas oo u badan dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar.

Si rasmi ah looma ah oga waxa laga damacsan yahay dadkaan balse waxaa dadkaan soo xulaya xubno ka tirsan Xoogagga Wadaniyiinta Gobalka Banaadir, oo ah Urur sanad ka hor ay dhistay Villa Somalia, iyo Saraakiil ka tirsan Xisbigii Tayo ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadka la soo xulayo ma ahan kuwa ku soo baxa imtixaan balse waxay ku yimaadaan is garasho, waxaana laga iibiyaa fikir ah taageerada Dowladda iyo garabsiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale dadkaan ayaa u badan beelo gaar ah waxaana laga qorayaa magacyo iyo Numbero, waxaana sidoo kale laga reebayaa Sawiro iyadoo lagu wargelinayo in uu taageero Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ma jirto wax lacag ah ilaa hadda u bilaabatay balse waxa ugu weyn ee loo balan qaaday ayaa ah ka mid noqoshada Xisbiga Madaxweynaha iyo in la siin doono Fursado shaqo halka qaarkoodna loo balan qaaday lacag iyo jagooyin sare.

Xog intaas dhaafsiisan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in doorashada Soomaaliya ay noqoto qof iyo cod islamarkaana laga qabto magaalooyinka ay dagan yihiin Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir waxaana dadka codeyn doona ay noqon doonaan dad aan aad u tira badneen.

Dadka ay diiwaan gelintooda ka bilaatay Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee qaata kaararka codeynta iyo sidoo kale in ay noqdaan kuwa ugu badan ee la diiwaan geliyo si Madaxtooyada Soomaaliya mar kale u guuleysato.

Barnaamijkaan ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga bilaabo magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la gaarsiiyo Dhuusamareeb oo xarun u ah Galmudug.

Wali lama shaacin nuuca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya balse waxaa la filayaa in ay laba mid noqoto kuwaas oo kala ah.

  1. In loo codeeyo qof iyo cod islamarkaana laga codeeyo magaalooyin cayiman oo laga diiwaan geliyo dhowr kun oo qof magaaladiiba.
  2. Iyo in la kordhiyo tiradii hore ee 51-da qof lana gaarsiiyo 250 qof kuwaas oo soo daarta Baarlamaanka kadibna Baarlamaanka ay doortaan Madaxweynaha balse qodobkaan waa adagtahay sida lagu qaato.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa u harsan 18 bil oo kaliya walina ma cada nuuca doorasho oo ka dhici doonto Soomaaliya waxaayna dad badan ay qabaan in aysan Soomaaliya ka dhici karin doorasho waqtigeeda lagu qabto.

Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu waqtigeeda ka dhinaa 2 sano waxaa la shaaciyay nuuca doorasho ee ka dhici doonto Soomaaliya taas oo aheyd in xildhibaanada kusoo doortaan madaxweynaha 50+1 oo hadda lagu soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this