Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo si adag uga horyimid gudigii Farmaajo uu magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga horyimid guddi ay dhawaan DF Somaliya u magacowday wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay inaanay guddidaasi marnaba khusaynin Somaliland, isla markaana shakhsiyaadka ka soo jeeda Somaliland ee ku jira guddigaasi aysan cidna matalin karin.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Madaxweyne Farmaajo uu sii kordhiyay cadaawada uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka la wareegaysa, isagoona xusay inaysan jirin tabasho ay qabto Somaliland.

Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno”.

“Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa kale oo deel-qaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa”.

“Hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this