Sign in to follow this  
Deeq A.

Buubaa oo mowqif aan laga fileyn ka muujiyey guddiga uu Farmaajo magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay Guddiga Qaran ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Prof. Buubaa oo u muuqda inuusan wax dhib ah ku qaban guddigaas, si ka duwan xukuumadda Muuse Biixi, ayaa sheegay in Guddida uu magaacabay Farmaajo ay dowladdiisa uga shaqeyn doonan sidii ay iskugu diyaarin lahaayen miiska wada-hadalka, taasi oo ku tilmaamay inay DF Soomaaliya waqti xaadirkan diyaar u tahay inay bilowdo wada-hadaladaasi.

Buubaa ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey isbadalada laga filan karo guddidaasi, isagoona xusay in Somaliland ay u baahantahay iyaduna guddi uga shaqeeya arrimaha wada-hadalada.

Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Guddida madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay waa guddi uga shaqaynaysa sidii ay wada-hadalada u gali lahayd Soomaaliya, macluumaadka ay u baahan yihiin inay si fiican u soo darsaan iyo qodobada ay la imanayaana sida ugu haboon ee ay u soo jeedin karaan, iyada oo dawladuna doonayso in dunidu ogaato in dhinacooda ay diyaar u yihiin inay wada-hadalo la bilaabaan Somaliland”.

“Waxayna labada dhinac u baahan yihiin in si wanaagsan looga soo shaqeeyo wada-hadalka iyo halka lagu wada-hadlayo laakiin cida galaysa wada-hadalka iyo sida loo gali doono taasi waxaa weeyaan wixii guddidan loo igmaday, Somaliland way u baahan tahay in dhinaceeda ay ka fikirto cidii arimahan ugu shaqayn lahayd”.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Waxa laga yaabaa in wasaarada khaarijigu ay arimahaas wado laakiin waxa loo baahan yahay in guddi balaadhan oo la odhan karo wasaarada arimaha dibada ayey hoos iman kartaa arintan loo saaro, guddidan ay Soomaaliya magacawdayna waa iyada oo muujinaysa inay diyaar u tahay wada-hadalka”.

“Waa lagama maarmaan in wada-hadal yimaado goor uu yimaadaba, guddida dhinacooda laga sameeyey iyo dhinaceena cida ku hawl leh arimahaas wada-hadalka iyo sida loola xaalayo Somaliya ayey ku xidhan tahay iyo wakhtiga ku haboon laakiin anigu shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay in wada-hadalku faa’iido u yahay Somaliland iyo Somaliya caalamkuna culays badan saari doono”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this