Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo qaaddacday guddiga wada-hadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa qaaddacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka magacaabista guddigaasi aan loo marin si waafaqsan Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Puntland waxay Beesha Caalamka u caddaysay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan dhab ka ahayn wada-hadallada Somaliland maadaama aan Puntland door laga siin wada-hadalladasi.

Waxay sheegtay in wada-hadallada labada dhinac ee Federaalka iyo Somaliland ay taabanayaan Puntland oo muran dhuleed kala dhexeeyo Somaliland.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

FB_IMG_1563553139202.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo qaaddacday guddiga wada-hadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this