Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta-gareen oo qortay shaqsiyaad ku amaana Facebook (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu qortay bishaan July dhalinyaro ku amaana baraha Bulshada ku kulmaan ee Facebook iyo qaybaha kale ee Internet-ka.

Dhalinyaraan oo u badan reer Muqdisho ayaa si xowli ah u shaqa galay todobaadkii la soo dhaafay waxaana dhamaantood loo soo dirayay qoraalo isku mid ah oo laga soo diyaariyay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Hada shaqada ay qabanayaan ma’ahan amaanta Madaxweynaha waxaase lagu bilaabay in ay buun buuniyaan Shirka isla xisaabtanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Shacabka degaankaas oo wali socda.

Inta ugu badan dadkaan ay qoratay Madaxtooyada Koonfur Galbeed waa wariyaal ka howlgala Warbaahinta magaalada Muqdisho mana ahan Wariyaal asal ahaan ka soo jeeda degaankaasi.

Lacagta ay mushaar ahaan u qaataan ma badna waxayna u dhaxeysa 60$ ilaa 150$ sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Madaxtooyada Baydhabo. Wariyaasha qaar ee loo qoray 60$-ka doolar ayaa lacagtooda waxay soo martay dulaal waxaana midka ugu yar madaxtooyada uga diiwaan gashan 100$.

Tallabada uu qaaday Lafta-gareen ayaa waxa uu ka soo min guuriyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xafiisayda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo lacago kumanaan dollar ah bil walba ku qarash gareyn jiray taageerayaal ay ka sameesteen baraha Bulshada ee Internet-ka.

Lafta-gareen ayaan caan ka ahayn deegaanka uu madaxweynaha ka yahay ayada oo ay ugu wacan tahay in la rumeysan yahay inay meesha keenta Villa Somalia, iyo in xilkan laga hor-istaagay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo weli u xiran dowladda federaalka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this