Sign in to follow this  
Deeq A.

‘3 sabab oo uusan Muuse Biixi u aqbaleyn’ guddiga uu FARMAAJO magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa ka hadlay guddiga qaran ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Dib-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Mustafe Shiine ayaa sheegay inuusan Madaxweyne Biixi marnaba aqbaleyn guddiga uu Farmaajo u magacaabay wada-hadaladaasi, isagoona shaaciyey qodobada uusan Biixi u aqbaleyn guddigaasi.

Mustafe ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey fariimo uu sheegay inay muujinayan daacad darada Farmaajo ee ku aadan wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland.

Mustafe Shiine, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook, isagoona Muuse Biixi u soo jeediyey inuusan wada-hadal la furin dowladda Somaliya inta uu Madaxweynaha ka yahay Farmaajo, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan:

“Seddex qodoba waxa ay tahay inaanu madaxweyne Muuse aqbalin guddida iyo qaabka uu Farmaajo u soo magacaabay guddida uu soo xulay.

*Tan koowaadee magaca guddida oo uu ka dhigay dib u heshiisiin iyo wada hadal.

* xubnaha guddida ku jira oon lahayn awood dawladeed, kuwaasi oo uu ka soo xulay suuqa ama qaarkood ay ku siman yihiin la-taliyayaal.

* Iyo xubnaha oo ay ku jiraan laba oday oo reer Somaliland ah.

Waxa kale oo daacad darada Farmaajo inoo cadaynaysa in laba qodob oo ah fariin xagiisa nooga ka socota,kuwaasi oo ay tahay inaanu ku diidno, iyadoo ay fariintu tahay sidan :-

* In magacaabida guddida uu ku beegay maalintii 47 qof ee reer Somaliland lagu xasuuqay xeebta Jaziira.

*Iyadoo uu guddida ku jiro taliyihii bileyska ee maalintaa xilka hayay iyo guud ahaan xilka nabadgelyada wixii Soomaaliya la odhan jiray,kaasi oo ah jananka Somaliland ka soo jeeda.

* Iyo iyadoo uu xubin ka yahay taliyihii guulwadayaasha oo ah mid ka mid ah daaquudadii uu sodoga u ahaa Siyaad Bare.

Fiiro gaar ah;- uma jeedo in nin walba oo uu sodog u ahaa Afweyne uu denbiile yahay way jireen rag wanaagsan oo xitaa qaar ay wasiiro noqdeen sida Gacamay oo reer Sanaag ah.

Sidaa daraadeed waxaan soo jeedin lahaa in madaxweyne aad qaadatid mowqif ah in aanay Somaliland wada hadal la galayn Soomaaliya inta uu Farmaajo madaxweynaha ka yahay Villa Wardhiigley”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this