Sign in to follow this  
Deeq A.

Dufcaddii 1-aad ee Xujeyda Soomaaliya oo la sagootiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur  Maxamed Xassan, ayaa Shalay Galab  sagootiyay dufcaddii 1-aad ee Xujeyda Soomaaliya.

Sheekh Nuur, ayaa Alle ugu mahadceliyay sida ay howsha ugu fududaatay, wuxuuna intaa raaciyay in Magaalada Makka ay Xujeyda Soomaaliyeed uga sii hor mariyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo ka saacidi doono wax kasta oo ay u baahan yihiin.

“Waxaan daahfurnay nidaamka Fiiso bixinta Xajka annaga oo sagootinnay dufcadii 1-aad ee xujayda Sanadkan 1440/ 2019,” ayuu yiri Wasiirka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this