Deeq A. Posted July 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa beeniyay in dowladda federaalka ay siyaasadeysay ganacsiga iyo dhaqaalaha Somaliland. Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shaaciyey in madaxda waddanka ay ka shaqeynayaa isu soo dhowaanshiyaha umadda Soomaaliyeed. Mr Khadar ayaa intaasi raaciyey in markabkii siday xoolaha ee ka baxay degaanada Somaliland ee ku xayirnaa Sacuudiga xayiraada laga qaadey. Hadalkan ayuu ka dhawaajiyey ku simaha wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya xili uu warbaahinta la hadlay. Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo maamulka Somaliland uu dowladda federaalka ku eedeeyay in uu saaray cadaadis dhinac kasta ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites