Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay duqeymo ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in duqayn xoog leh oo loo adeegsadey diyaaradaha nuuca dagaalka ah ay ka dhacday Deegaanka Kunya-barow ee gobolka shabelada Hoose.

Duqeynta ayaa lasheegey in lagu beegsanaayey Sarkaal sare oo Ka tiraanaa xarakada Al shabaab una qaabilsanaa Siyaasada guud ee Xarakada Al shabaab.

Sarkaalkaan ayaa laduqeeyey xilli uu ku jirey safar dhulka ah, isla markaana labo gaari uu watay oo xiligaasi kuyabarow duleedkeda marayay.

Xiriiro aan lasameynay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida oo kusagan shabeeleha hoose ayaa sheegey in howlgalka iska kaashadeen ciidamada mareykanka oo fadhigoodu yahay Beleddoogle iyo sirdoonka soomaaliya.

Saraakiishan ayaa xaqiijiyey in uu ku dhintay weerarka hogaamiye sare oo katirsanaa alshabaab oo magaciisa lgu soo koobay Maxamad isla markaana ahaa madixii siyaasada guud ee alshabaab iyo Taliyaha xabsiyada qarsoon ee alshabaab iyo 2 askari oo kale oo ilaaalo u ahaa.

Duqeynta ayaa lasheegey in cecelis ahaanay ku dhinteen 4 ruux 2 masuul iyo ilaaladooda ah sida Saraakiishaasi xaqiijiyeen.

Lama soo sheegin wax Khasaaro ah oo dadka deegaanka soo gaarey waxaana adag in dadka deegaanka lahelo xilliga oo habeen ahayd  awgeed.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this