Deeq A. Posted July 19, 2019 Washington (SMN) – Ilhaan Cumar ayaa si cad waxay u sheegtay in uusan marnaba cabsi gelin karin madaxweynaha Mareykanka. Donald Trump ayaa waxa uu horey hadalo cunsurinimo ugu weeraray gabadhan ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Ilhan ayaa mar sii horeysay waxay Trump si diiran ugu soo dhaweysay gobolka laga soo doorto ee Minnesota. Iyadda oo la hadleysay taageeroyaasheeda waxay uga mahadnaqday garab-istaagooda, markii ay weerar kala kulantay Trump iyo xulafiisa. Xildhibaanadan asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda ayaa wadankaasi Mareykanka waxay ku gashay qaab qaxooti ah markii ay dalka uga carartay colaad. View the full article Share this post Link to post Share on other sites