Deeq A. Posted July 19, 2019 Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa amar culus dul dhigay golaha wasiirada maamulkaasi, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Deni ayaa faray dhammaan wasiiradiisa inay fuliyaan wareegto uu shalay soo saaray oo la xariirtay in aan la deegaameysan dhul daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marnaba aan la ogolaan doonin in la dego ama la dhisto dhul daaqsimeedyada ku yaallada deegaanada dowlad goboleedka Puntland. Madaxweynae Deni ayaa xusay in tallaaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qadi ciddii lagu arko. Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka in ay fuliyaan amarkan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda, Puntland oo ah maamulkii ugu horreeyey ee ka aas aasmay dalka ayaa waxaa muddada ay jirtay ay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo la taaban karo. Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites