Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 100 sarkaal oo la Dalacsiiyey + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ah ku simaha taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xubno isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad oo la Dalacsiiyey u xiray darajada Sarkaalnimo.

Saraakishan la Dalacsiiyey oo gaaraya illaa 83 xubnood ayaa dhawaan ku soo biiray ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Dhulka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo munaasabad loo qabtay saraakiishan ka hadlay ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dhankiisa ku simaha taliyaha ciidanka Xoogga dlka, Ahna taliye ku xigeenka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa kula dardaarmay xubnaha darajada la siiyey in ay u diyaar garoobaan shaqo adag, maadaama uu ciidanka Xoogga dalku ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiisha la Dalacsiiyey oo dhalinyaro u badan ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u shaqo bilaabay bishii December ee sanadkii hore 2018-kii.

Habeen hore ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu Dalacsiiyey saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Somaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkaan ka daawo Fadeexad culus oo lagu eedeeyey Farmaajo

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

01.jpg 02-2.jpg 03-1.jpg 04-1.jpg 05.jpg 06.jpg

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this