Deeq A. Posted July 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulanka toddobaadlaha ah ee golaha. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo looga dooday Xeeraka marista waddooyinka iyo siyaasadda daryeelka bulshada. Shirka Golaha ayaa sidoo kale looga hadlay amniga guud iyo xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab uga sugan yihiin gobolada dalka. Ciidamada xoogga ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo ay dib ula wareegayaan tuulooyin ay kooxdaasi gacanta ku haysay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites