Deeq A. Posted July 19, 2019 Hargeysa (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa ka hor-yimid guddi uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadalada maamulkaasi iyo dowladda federaalka ah. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale ku eedeeyay xukuumada federaalka in ay kala kulmaan cadaadis. Sidda ku cad bayaanka, cadaadiska ayaa isugu jira dhinacyaddal; dhaqaalaha, siyaasadda iyo waliba dhanka diblumaasiyadda. Dhanka kale, wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa Nicolás Berlanga Martínez ayaa shalay tagay Hargeysa. Martínez iyo Biixi ayaa kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin wada xaajoodyadda maamulkaasi iyo dowladda dhexe. Sikastaba ha ahaatee, wada hadaladda Somaliland iyo dowlada federaalka ayaa waxay hakad ku jiraan tan iyo sanadkii 2014-kii. View the full article Share this post Link to post Share on other sites