Sign in to follow this  
Deeq A.

Markabkii ku xayirnaa Jidda oo xayiraadii laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga laga soo billaabo july 11, 2019.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in DFS ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo.

Dowladda Sucuudiga ayaa kadib codsiga dowladda Soomaaliya ogolaatay in markabka ariga laga dejiyo si loogu iibiyo suuqyada xoolaha dalka Sucuudiga, waxaana caawa markabkii laga dejiyay dhammaan arigii saarnaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this