Deeq A. Posted July 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddiga Owqaafta, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Awqaafta xukuumadda federaalka sida ay Xujeyda ugu fududeeyeen in ay visaha ka helaan dalka. Shariif Sheekhunaa Maye, gudoomiyaha guddigaasi ayaa wax lagu farxo iyo talaabo taariikhi ah ku tilmaamay, isaga oo kaga mahad-celiyey mas’uuliyiinta Wasaarada dadaalka ay u galaan hirgelinta talaabadaasi. Dhankiisa, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa soo dhaweeyay arrintan, isaga oo xusay in ay qayb ka tahay qorshaha xukuumada ee adeegyada loogu soo dhaweynayo bulshadda Soomaaliyeed. Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 2019 xaadireysa gudashada mid kamid ah tiirarka Diinta suuban ee Islaam-ka ayaa waxay tiradoodu gaareysaa in ka badan 10-kun, taasi oo ka badan tiradii sanadkii hore oo ahayd ku dhowaad Shan kun. View the full article Share this post Link to post Share on other sites