Deeq A. Posted July 18, 2019 Boosaaso waxaa maanta lagu xiray saddex xubnood oo ka tirsan Guddiga dhismaha wadada bartamaha magaaladaas. Maamulaha Amal Bank, Bososo Xubnaha la xiray ayaa kala ah maamulihii Amal Bank Boosaaso Sheekh Maxamed Faahiye, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Eng. Maalfo. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo xiray xubnahan, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay tahay lacag $150,000 ah oo dowladda Federaalka ugu deeqday Guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in Puntland ay ku wargelisay guddigaas in dib loo celiyo lacagta ka timi Federaalka oo la soo marsiiyay Amal Bank Boosaaso, balse arrintaas ay qaadadeen gudiga gacanta ku haya dhismaha wadada. Dowladda Federaalka ayaa horey lacago ugu deeqday dhismayaasha garoomada kubbadda cagta Garowe iyo Gaalkacyo, taas oo la soo mariyay gudiyadii gacanta ku hayay. Xiriirka Puntland iyo Federaalka ayaan wanaagsanayn, hadana hay’adaha Puntland iyo kuwa Federaalka waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn. PUNTLAND POST The post Guddi waddo dhisme oo lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites