Deeq A. Posted July 18, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowlada Uganda ayaa ku dhawaad 2,000 oo askari usoo diraysa Soomaaliya kuwaas oo tababar loogu soo gabagabeeyay gudaha dalka Uganda. Ciidamada tababrkan loo soo gabagabeeyay ayaa tiro ahaan gaaraya 1,828 askari iyagoona qayb ka noqon doona hawlgalka midowga afrika ee Amisom. Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, General Wilson Mabadi, oo lahadladay ciidamadan kadib markii loosoo gabagabeeyay tababarka ayaa kula dar daarmay in si hufan ay ugutaan waajibaadkooda shaqo. “Waxaad ka tageesaan Uganda si aad u aadaan ugana biirtaan ciidamada xasilanaya Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda” ayuu hadalkisa sii raaciyay General Mabadi. Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa sidoo kale dhankiisa kula dar daarmay in ay ciidamada tababarka loosoo gaba gabeeyay ay u shaqeeyaan si ay ku jirto Wadaniyad iyo Akhlaal. Tababarka saraakiishan ayaa waxaa ka qayb qaatay saraakiil Militari oo ukala dhalatay wadamada Holland, Britain iyo Mareykanka. Hawlgalka ciidamada Amisom ayaa lagu waday in guud ahaan dalka ay iskaga baxaan markii lagaaro horaanta sanadka 2021 iyadoona sidoo kale qorshuhu ahaa inta ka horeyso waqtigaasi in ciidamada nabad ilaalinta midowga ee Amisom loo dhimo si tartiib tartiib ah. Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites