Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Qaabbilay Safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku  ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan.

Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbalaan iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan.

Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this