Sign in to follow this  
Deeq A.

Beelaha ay kasoo jeedaan Guddiga Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo fedeexad ka taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xalay magacaabay Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug.

Guddigan ayaa ka kooban 12 Xubnood oo labo ay haween yihiin, Waxaana durba la hadal hayaa fadeexad culus oo ka taagan guddigaas.

Inta badan guddigaan la magacaabay waa la Taliyaasha Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre iyo Madaxweynaha, waxayna taas muujisay qorshaha ay Dowladda ku dooneyso inay ku qabsato Galmudug.

Sidoo kale Guddiga waxaa ku jiro ilaa 3 xubin oo matalayo Ahlu Sunna.

Guddiga ayaa intooda badan ah shakhsiyaad aad u taageero Nabad iyo Nolol, waxaana durba qeylo dhaan kasoo muujiyey siyaasiyiin badan.

Shabakadda Caasimadda Online ayey u suurtagashay inay hesho magacyada iyo qabiilada Guddiga la magacaabay iyo mid kasta shaqada uu qabto, waana sida hoos kaaga muuqato

1) Cabdiraxmaan Macalin Cabdillaahi Baadiyow,Wacaysle, La taliyaha Farmaajo

2) Maxamed Nuur Gacal, Murusade, La taliyaha Xafiiska Kheyre

3) Aadan Cusmaan Xuseen, Shiikhaal, La Taliyaha Xafiiska Kheyre

4) Maxamed Maxamuud Gacma-Dheere, Saleebaan, La Taliyaha Xafiiska Kheyre

5) Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, Ceyr, Ahlu Sunna

6) Xasan Maxamed Jimcaale, Duduble, La Taliyaha Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal

7) Amb. Cabdi Xaaji Liibaan (Dhabancad) Sacad

8) Faadumo Axmed Caalin (Cureeji) Saruur, La Taliyaha Xafiiska Kheyre

9)| Cabdi Maxamed Jaamac, Mareexaan,La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo

10) Mahad Aadan Guuleed, Mareexaan, Ahlu Sunna

11) Cabdullaahi Aadan Xaashi, Surre, Alu Sunna

12) Sahra Colaad Cabdi, Beesha Shanaad, La Taliyaha Xafiiska Kheyre, waana Xaaska General Bashiir Goobe

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this