Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo soo saaray digniin culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qoraal digniin ah oo ka soo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto  Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta.

Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan.

Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga , iyagoo wacaya 991.

Halkan hoose ka aqriso:

DIGNIIN; Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga.
#Mogadishu #SPF991

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this