Deeq A. Posted July 18, 2019 Kismaayo (SMN) – Guddiga doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta shaaciyey shuruudaha laga rabo musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in isdiiwaan gelinta ay ka bilaabaneyso maanta o Khamiis ah, kuna egtahay maalinta Sabtida ah oo ku beegan 20-07-2019-ka. Lacagta isdiiwaan gelinta ayey guddigu ku sheegeen $30,000 (Soddon kun) oo dollar oo laga doonayo ragga Musharraxiinta ah, halka haweenka bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah. Halkan hoose ka akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites