Jacaylbaro Posted December 24, 2007 Diyaaradii Lufthansa ee ey afduubteen kooxo Falastiiniyiin ah sanadii 1977 kuna dajiyay caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa waxaa iminka lagu wadaa in laga sameeyo dhacdadaasi Film lagu qarash gareynayo malaayiin dollar. Filmkan oo ey sameynayaan taleefishinka laga leeyahay dalka Germany ee lagu magacaabo ARD ayaa lagu sheegay in uu ku baxayo lacag lagu qiyaasay ku dhawaad lix milyan oo EURO, taasoo u dhiganta qiyaastii 7-milyan oo dollarka mareykanka ah Souhaila Andrawes oo ah naagta kaliya ee ka nool kooxda afduubatay diyaaradan ayaa iyadu soo dhameysatay dhawaan xukunkii lagu riday ee ahaa 12-sano oo xarig ah, waxa eyna iminka ku nooshahay dalka Norway oo ey ka heshay magangalyo siyaasadeed sanadii 1991. Diyaaradan Jarmalka laguna magacaabay Lufthansa "Landshut" ayaa markii la afduubanayay waxa ey siday 82-rakaab ah oo afar ka mid ah ey ahaayeen Falstiiniyiin ka tirsanaa ururka PFLP, kuwaasoo si dhuumaaleysi ah kusoo galiyay diyaarada bistoolado iyo baomboyin ey u isticmaaleen afduubka. Marki ey diyaaradi mudo afartan mirir ku jirtay hawada ayaa waxa ey kooxdani lasoo bexeen hubkii u xaseysnaa iyagoo ku amrayay dadka rakaabka in ey gacmaha madaxa saaraan, cidii awaamirtooda u hogaansamina ey isla goobta ku toogan doonaan. Afduubkan oo qaatay mudo shan cisho ah (13-18. Oktober 1977) ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo waliba wadamo kala gadisan, waxaana ka mid ahaa wadamada lagu hagayay diyaaradda Italy (Roma), Larnaca, Cypros, Bahrain, Dubai, Aden iyo ugu danbeyntii oo lagu dajiyay Muqdisho, Somalia. Filmkan oo iminka ka socda sameyntiisa dalka Marooko ayaa ula jeedka loogu dhigayo halkaa tahay in loo ekeysiiyo magaalada Muqdisho xag walba sida cimilada, carada, iyo eeraborka Muqdisho mid shabaha oo isna halkaa laga taagay. Diyaaraddan ayaa ugu danbeyntii waxaa lagula wareegay iska-hor-imaad adag oo ey fuliyeen ciidamada gaarka ee Jarmalka GSG 9 kuwaasoo soo gaaray Muqdisho kadib markii ey ogolaansho ka heleen xukuumadii barigaasi jirtay ee uu madaxda ka ahaa alaha u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre. afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chimera Posted December 30, 2007 http://www.stage6.com/Pur-Dokumentationen/video/1704732/Somalia---Mogadischu-1977---Hinter-den-Kulis sen Quote Share this post Link to post Share on other sites